Madaxweyne Xasan: Dastuurka waa in la beddelaa, beesha caalamka naguma qasbi karto wax aynan dooneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wada qorshe is-beddel loogu sameynayo dastuurka cusub ee dalka Somalia uu yeeshay dhowr bilood ka hor.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlay xiritaankii kalfidhigii ugu horeeyay ee Baarlamanka ayaa ka codsaday xildhibaanada Somalia, inay u dhaqaaqaan sidii is-beddel  loogu sameyn lahaa dastuurka oo uu sheegay inay ku jiraan meelo badan oo aan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda iyo Baarlamanka waa inay wada shaqeeyaan sidii is beddel loogu sameyn lahaa dastuurka, si Somalia au u fuliso nidaamka federaalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa dastuurka iminka jira u arka mid Somalia ay u keeneen dalal iyo kooxo shisheeye oo dano gaar ah leh..

“Ma jiro nidaam ay Somalia si qasab ah ugu soo rogi karaan beesha caalamka ama quwado Milatari ama kooxo yar oo kullamo sir ah yeeshay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray inaysan jiri doonin in Somalia laga hir galiyo wax aysan shacabka Soomaaliyeed dooneyn.

Is-beddelada madaxweynuhu doonaya ayaa xoogooda waxa ay taabanayaan nidaamka federaalka, si awoodo dheeri ah ay u hesho dowladda dhexe.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia