27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Carabta oo shir ku leh Doha + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar uu ka furmo shir muddo kooban soconaya oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta, kaas oo looga hadlayo xaaladda kasoo kororta gobolka.

Sida qorshuhu yahay madaxda dalalka Carbeed iyo kuwa waddamada Islaamka ayaa go’aan ka gaari doono weerarkii Israel ee Doxa oo loo arko gar-darro cad, waxaana la fiayaa in marka hore ay si wadajir ah u cambaareeyaan xadgudubka Israel.

Sidoo kale waxa ay soo saari doonaan go’aanno ku aadan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin is difaac ah, haddii ay Israel kusii socoto waddada dagaalka ee ay qaaday.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb-galo shirka maanta ka dhacaya magaaladaasi.

Horay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani, isaga oo oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Doha, wuxuuna u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Waxaa kale oo jiray bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo lau sheegay in falkaas ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Weerarka Israel oo lagu beegsaday madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News