27.1 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Kadib weerarkii safiirka Itoobiya, ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi.

Kulankan ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyay ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Cuteybi ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan ururka.

Sidoo kale waxa uu xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.

Kulankaan ayaa imanaya xilli dhawaan safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo uu weerar culus ku qaaday ururka Jaamacadda Carabta, oo uu ku eedeeyay inuu noqday aalad u adeegta siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar, halkii uu ka wajihi lahaa dhibaatooyinka ka dhex jira xubnihiisa.

Dedefo oo baraha bulshada ku qoray qoraallo si toos ah u weeraray Jaamacadda Carabta, ayaa ku dhaliilay ururka inuu si joogto ah uga soo horjeedo Itoobiya sababo la xiriira isticmaalka Webiga Nile, isaga oo indhaha ka qarsanaya colaadaha, barakaca iyo macluusha ka jirta dalalka Carabta.

“Runtii Jaamacadda Carabta ma mid u taagan dalalka Carabta baa mise waa jaamacad fulisa siyaasadda Masar ee ka dhanka ah Itoobiya?” ayuu yiri, isagoo ku dooday in ururku “si xun isu kashifay oo aanu matalin dalalka kale ee Carabta.”

Hadalladan ayaa daba socday bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu cambaareeyay Itoobiya oo ku sii adkaysanaysa dhismaha biyo-xireenka weyn ee horumarka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), iyadoo aan la gaarin heshiis sharci ah oo lagu wadaagayo biyaha.

Qaahira waxay muddo dheer ku doodaysay in biyo-xireenku uu halis ku yahay sugnaanteeda biyaha, halka Addis Ababa ay ku adkaysanayso inay isticmaalayso xaqa ay u leedahay madax-bannaanideeda ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda.

Dedefo wuxuu meesha ka saaray welwelka Masar, isagoo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn,” wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhismaha biyo-xireenno cusub mustaqbalka.

“Hoggaamiyayaasha Masar waa inay qirtaan in riyadooda aan dhammaan ee carqaladeynta Itoobiya aysan waligeed hirgeli doonin, isla markaana ay ku noqdaan wada-shaqeyn faa’iido u leh shacabka labada dal,” ayuu ku gooddiyay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday ururka Jaamacadda Carabta kadib weerarka Safiirka, iyadoo sheegtay in ururka u taagan yahay xoojinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya, si loo ilaaliyo madax-bannaanidooda.

- Advertisement -

Read more

Local News