Berlin (Caasimada Online) – Dowladda Jarmalka ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee aqbala inuu u hoggaansamo habraaca cusub ee socdaalka Somaliland, kaasi oo si toos ah uga hor imaanaya go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa).
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa lagu shaaciyay in wasaaraddu aqbashay siyaasadda dal-ku-galka Somaliland, taas oo ka dhigan inn muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaas u hoggaansamaan.
Qoraalka Jarmalka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka haysta dhalashada dalkaasi ee ka degaya Somaliland in ay fiisaha ka qaadan karaan garoomada magaalooyinka Hargaysa, Borama, Berbera, Burco iyo Ceergaabo.
Dowladda Jarmalka ayaa sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda xaaladaha amni iyo nololeed ee gobolka, iyadoo kula talisay in ay is ilaaliyaan, si gaar ahna dhulka Soomaalida oo aad u hooseeya.
Tan ayaa sii kordhinaysa cadaadiska ka dhanka ah qorshaha dowladda federaalka ee in dal-ku-galka laga goosto online, kaasi oo ay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka.
Haatan, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Puntland ama Somaliland ayaa ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.
Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.


