Madaxweyne Xasan Sheikh muxuu ku tilmaamay ciidamada nabad sugida?

Muqdisho (Caasimada Online)   Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaan balaaran u jeediyey ciidamadda nabadsugida qaranka kuna tilmaamay inay yihiin kuwa ugu habdhaqanka wanaagsan ciidamadda qaranka marka loo eego sida ay bulshada ula dhaqmaan.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka jeediyey munaasabad xariga looga jarayey xarunta nabadsugida qaranka laguna xusayey sanadguuradii 41aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidamadaas.

Hadalkan madaxweynuhu uu jeediyey kuna sheegay in nabadsugidu ay yihiin ciidamada ugu habdhaqanka wanaagsan waxa uu dhinaca kale u muuqdaa inuu madaxweynuhu saluugsan yahay habdhaqanka qeybaha kale ee ciidamadda qalabka sida oo qaarkood lagu eedeeyo inay xadgudubyo shacabka u geystaan.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka gaashaandhiga jamhuuriyadda Soomaaliya uu jeediyey hadal uu ku sheegay inay wadaan qorshe ciidamadda qalabka sida la isugu dhafayo isagoo soo hadal qaaday in ay qabiil qabiil u goobeysan yihiin, waxaana hadalka wasiirku uu kaabayaa baaqyo qeybaha bulshada ka soo baxaya oo ku aadan in la kala firdhiyo ciidamadda dowladda ee qabiil qabiilka u goobesysan, waxaana talaabadan hadii ay rumowdo ay noqoneysaa mid soo dedejisa xasilooni waarta oo dalka ka hirgasha.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Muqdisho