Faah-faahin: Qorshaha midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid] ayaa sheegay in uu socdo qorsho ku saabsan siddii lagu mideen lahaa maamulka uu madaxweynaha u yahay iyo ururka Ahlu Sunna.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug halkaasoo uu ka dhacay shir looga hadlaayo mideenta labada maamul.

Sidoo kale kulankaas waxa looga hadlay siddii dadka ku dhaqan deegannada ay maamulaan labada maamul in la isku furo.

Waxa ay la bada dhinac ay ka sheegeen kulankaas in ay ka wadashaqeeyaan horrumarka labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in mideenta labadaas maamul loo bandhigi doono dadka ku nool deegannada ay maamulaan Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waa markii ugu horreysay oo Ahlu Sunna oo maamusha goballo ku yaalla bartamaha Soomaaliya iyo maamulka Galmudug  ay ka wadahadlaan siddii loo mideen lahaa labadaas dhinac.

Waxana hadalkiisa uu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ay u joogaan magaalada Galkacyo kulamo horu dhac ah oo looga hadlayo mustaqbalka iyo midaynta labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo