Madaxweyne Xasan oo codsi u diray wariyaasha,digniinna muujiyay.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay wariyaasha inay joojiyaan Faafinta wararka been abuurka ah ee sumcada ka dilayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyanaha Xasan Shekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wax laga qaban doono dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo wariyaasha Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta isaga iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ka qaybgaleen munaasabad ka dhacday hotel Plaza oo lagu soo dhaweenayay aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowaldda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda in ay baareyso dadkii ka dambeeyay dilalka wariyaashii sannadkii hore la dilay, isla markaana maxkamad la hor keeni doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in saxaafadda ay ku jiraan dad xun isla markaana ay hayaan kiisas wariyaal been abuur ka baahiyay dowladda iyo dalka, kuwaasoo uu sheegay in dhaqaale loo adeegsaday si dhibaatooyin ay u abuuraan.

Wuxuu yiri “ Dadka Saxaafadda ka shaqeeya kuwa ugaarsanaya ee dilaya dowladda in ay daba galeyso waqtigii doontaba ha qaadato in la soo taagi doono maxkamad, laakin wiilasheena iyo gabdhaha saxaafadda ku jira bahdilka magaca dowladnimo kuwooda qaar kood ay u sameenayaan in ay aad isaga hubiyaan”

Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee lagu ugaarsado suxufiyiinta ayaa sannadkii hore lagu dilay 18-wariye, waxaana sannadkan billowday la dilay wariyihii ugu horreeyay oo noqday Marxuum Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ka tirsanaa Shabeelle.

Madaxweynaha muxu ka yiri in awoodaha madaxda ay isku milmeen?

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay hadalo la isla dhex maraayay oo ahaa in awoodii dowladda ay isku dhex milantay taasoo uu been abuur ku tilmaamay.

Waxana uu sheegay in ay ka war qabaan isla markaana ay jiraan dad doonaya in ay dhaawac u geestaan jiritaanka iyo hoggaanka wanaagsan dalka iyo isbadalka ka dhashay.

“Aad ayey noo gubeysay  waayihii dambe khilaafka dowladda ka dhex jiray, khilaafka hoggaanka ka dhex jiray, war maxaa ku dhacay maxay sidaas u yeelayaan, may midoobaan may kala dambeeyaan, maanta waxa soo baxay sida kale kuwa dhahaya , Ra’iisal wasaarihii iyo madaxweynihii waa ay isku milmeen, guddoomiyihii baarlamaanka waaba uu ku dhex milmayba , oo awoodihii kala saarnaa oo kala sareeyay meeshaas ay ku dhammaadeen, maxaa fiican marka”

Wuu sii hadlay “ Mawaxaa fiican in aan isqabsano oo aan is xagxagano oo aan war iska hor imaanaya aan shegno oo midba midka kale uu farta ku fiiqo, miyaa fiicnaan lahayd waa Maya, hadee kuwaasna waxan lee yahay haloo caqli celiyo, waa run anniga iyo ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaa waxa nahay saaxibo, waxan saaxibo ku nahay danta Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Shirka ma nihin, ganacsi nagama dhexeeyo isku jufa ma nihin, isku maxaan iraahdaa koox diineed ma nihin, isku wax kale ma ihin, waxaa nahay madaxweynihii iyio ra’iisal wasaarihii iyo guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya, waxaan saaxibo ku nahay oo isku jecelnahay danta Soomaalida in aan isku dhinac u riixno”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan u dul qaadan doonin falalka Kufsiga iyo dilalka loo geeto dadka rayidka.

“Qofka qof Soomaali ah oo aan dambi lahayn oo walaalkiis dilay wax dulqaad ah oo aan u lee nahay ma jirto, ninka gabar Soomaaliyeed u tagay ee kufsaday waa ka siin xun yahay isagana, waxa waaye musuqmaasuga lacagta dowladda lacagta dadweynaha in la xado oo qof gaar ah ka dhigto hanti waa mamnuuc.”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho