MSF “Waan joojineynaa howshii aynu ka heynay Isbitaalka Istarliin”

Guriceel (Caasimada Online) Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay in ay joojineyso dabayaaqada bishan howlihii ay ka waday Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Hey’adda ayaa arrintan ka sheegtay kulan ka dhacay Guriceel oo looga hadlay go’aanka MSF iyo sidii lagu sii wadi lahaa howsha isbitaalka ee u hayay bulshada.

Aggaasimaha isbitaalka Istarliin Cali Cumar Tarabbi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in MSF ay joojineyso 30-ka bishan howshii ay ka heysay Isbitaalka.

Isagoo intaas ku daray  isbitaalka in uu ka kooban yahay dhowr qeybood, isla markaana sanadkii hore dhowr kun oo qof loogu sameeyay adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Waxa kaloo kulanka ka hadlay qaar ka mid ah maamulka gobalka Galgaduud, Ahlu Sunna iyo dhaqaatiirta isbitaalka Istarliin.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow ayaa u mahadceliyay hay’adda MSF oo muddo toddobo sano ah gacanta ku heysay isbitaalka,

Wuxuu sheegay in Isbitaalka ay la soo darsi doonto dhibaato xooggan isla markaana laga cabi qabo in uu xirmo.

Hay’adda MSF ayaa ka howlgaleysay isbitaalka Istarliin tan iyo sanadkii 2006, waxayna sheegtay sababo dhaqaale dartood in ay u joojin doonto howlihii ay ka wadday isbitaalka.

MSF ayaa horry u joojisay howlihii caafimaad ee ay ka wadday magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Beledweyne oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Hiiran.

Waxa kaloo jira iyadoo MSF ka walaacsan labo shaqaale oo looga heesto Soomaaliya, waxana kaloo la sheegayaa in ninkii dilay labo ka mid ah shaqaalahooda uu baxsaday isla markaana uu ku sugan yahay gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladwayne