Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 65-aad 26 June oo ah markii ay xornimada qaateen Gobolada Waqooyi ayaa farriin u diray Somaliland, isaga o ka dalbaday hal arrin xasaasi ah.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay hoggaanka sare inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka & Somaliland, si loo sii amba qaado, wuxuuna ka codsay Cirro iyo xukuumaddiisa in ay noqdaan geesiyaal u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa, laguna dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusy in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo horseedi kara dib u mideynta dalka, ayna la fariisan doonto Somaliland, si looga wada-hadalo tabashada ay qabaan.
Sidoo kale, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in guul laga gaari doono, haddii dib loo bilaabo wada-hadallada Muqdisho iyo Hargeysa, isla-markaana la gaari doono heshiis waara oo lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa labada dhinac.
“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suurto gal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wadahallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay: dhiirrada. Midnimadu wax ma bi’iso ee waxa ay soo kordhisaa awood iyo haybad,”.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Midnimada marka laga hadlaayo Koofur iyo Waqooyi kaliya maaha, Koofur ayaa dhexdeeda u baahan in ay midowdo” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaaka Soomaaliya ay ku dadaaleyso mideynta dalka iyo sidii Khilaafadka jira wada-hadal loogu xallin lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo horay ga qabsoomay dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa mar dambe hakad-galay, kadib markii khilaafka labada dhinac uu sii xoogeystay markii xukuumadda Hargeysa ay sanadkii hore heshiis ku saabsan Badda la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.