Madaxweyne Xasan oo gaaray Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya shirka 20-aad ee madaxda midowga Africa oo berri ka furmaya xarunta Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ka hadlo kulankaas, isagoo soo bandhigi doona wax yaabaha u qabsoomay dowladiisa muddadii ay jirtay.

Madaxweynaha waxa kaloo uu la kulmi doonaa madaxda waddamada ciidamada u soo diray Soomaaliya, sida Kenya, Uganda iyo Djibouti.

Madaxweynaha waxa kaloo uu aadi doonaa shir ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu ka dhacayo shir ay lee yihiin waddamada midowga Yurub.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdiga la socda waxa ay ka qaybgali doonaan shirka waddamada iskaashiga Islaamka OIC.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan ka bixi la’ safaro xagga dibedda ah kuwaasoo aqoonsi iyo taageero loogu raadinaayo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa