Xasan Sheekh oo gaaray Brussels

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray Brussels, ee xarunta Midowga Yurub si uu uga qeybgalo shirka Brussels ee berry furmi doono.

Madaxweynaha ayaa caawa casho-sharaf la leh Catherine Ashton, Madaxa Xiriirka Caalamiga ee EU ahna Madaxweyne Ku xigeenka EU Commission.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa berry 16ka September kulamo la leh madaxda Dalka Belgium, ka dibna uu shirkii Brussels furmi doono, ka horna uu kulan gaar ah la leeyahaya Madaxweynaha Golaha Wasiiradda ee EU, Mr Herman Van Rompuy.

Shirka Brussels ayaa waxaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Catherine Ashton.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxey soo diyaarisay COMPACT dokumenti ah oo qeexaya sida dalka dib loogu dhisi lahaa mudada 3da sano ah ee soo socda, dokumentigan oo latashiyo lagala soo sameeyey shacabka Soomaaliyeed, ahna dokumenti Soomaali soo diyaarisay. Qorshaha ayaa ah in caalamku ay taageeraan COMPACT-ka oo ay yabooh sameeyaan oo waddan walba iyo sida uu u saacidi karo qorshahaas isaga ah. Waxaa jira guddi EU iyo Soomaaliya oo dabagal ku sameyn doono hirgelinta qorshahaan mudada 3da sano.