30.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Madaxweyne Xasan oo kormeer ku tegay Hay’adda Socdaalka xilli ay taagan tahay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, isaga oo u kuur galay howlaha muhiimka ah ee hay’adda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow iyo holwadeennada kale ee hay’adda

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiir Fartaag, Agaasime Mustafe Dhuxulow oo dhismaha kusoo dhaweeyay.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray in hay’addu ay muhiim u tahay Amniga Qaranka, iyo xuduudaha dalka, loona baahan yahay in lasii laba jibaaro shaqada socota.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

Kormeerkan ayaa yimid, xilli haatan ay taagan tahay saameyn ka dhalatay adeegga e-Visa ee ay soo kordhisay Hay’adda Socdaalka, kaas oo laga rabo muwaadiniinta Soomaalida ee sharciyada ka haysta dalalka kale wuxuuna si gaar ah u sameeyay Somaliland iyo Puntland.

Maalmihii u dambeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa la timid dardar shaqo oo xoogleh kaas oo si weyn loo dareemay, iyadoo lagu amaanay hoggaanka sare ee Hay’adda.

- Advertisement -

Read more

Local News