Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay weheliyaan madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa diiradda lagu saara horumarinta garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intii uu socday kulanka warbixin guud ka dhageystay madaxa shirkadda Favori, kaas oo faah-faahiyay qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, maadaama loo baahan yahay in isbeddal la sameeyo, lana hormariyo adeegyada muhiimka ah.
Madaxa shirkadda ayaa ballan qaaday in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah ee dunida inteeda kale.
Dhakniisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna intaasi ku daray in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.
Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga saaray shaqada garoonka, kadib markii ay kasoo laabteen cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaara ayaa dhowr mar kormeer ku tegay gudaha garoonka, taas oo keentay in si deg-deg ah wax looga qabto dayacaad badan oo ka jirtay gudaha iyo adeeg xumo lagu hayay shacabka, waxaana haddda uu usoo jeestay dhismaha guud iyo qalabka garoonka.


