Madaxweyne Xasan oo la kulmaya Jaaliyadda Soomaalida ee Sudan

Khartoum (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay booqasho ku tagayn magaalada Ad Damazin ee caasimadda gobolka Blue Nile State ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato jaaliyadda ku dhaqan dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta ka qaybgalay xaflad loo sameeyay sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Sudan uu xorriyadda ka qaatay dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha oo uu soo dhaweeyay dhigiisa waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa uu ka qaybgalay galabta  xaflad xarigga looga jaraayo biyo xireenka Roseiris oo ballaarin lagu sameeyay si loo kobciyo wax soo saarka beeraha ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato dhiggiisa waddankaas  Cumar Xasan al-Bashir  kaddibna waxa uu kulamo caawa la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Khartum iyo ardayda Soomaalida ee wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla Sudan..

Waa booqashii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Xasan Sheekh ku tago dalka Sudan  tan iyo markii xilkaas loo doortay 10-kii September sannadkii hore 2012-ka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khartoum