Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lasoo gaarsiiyay farriin culus oo uga timid dhiggiisa dalka Masar, Mudane Cabdulfitaax Al-sisi oo si weyn ugu boggaadiyay xiriirka labada dal.
Farriintan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badr Abdel Aty, xilli ay labada mas’uul ka wada qeyb galayaan Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay kulan doceed ayaa marka hore u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynihiisa, isagoo sidoo kale u rajeeyay in la sii wado wada-shaqeynta labada dal oo haatan sii xoogeysaneyso.
Dr. Badr Abdel Aty ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in dowlad ahaan ay Soomaaliya ka taageerayaan ka hortagga argagixisada, ayna ku garab istaagaan dagaallada xoreynta ee haatan socda.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka go’an tahay taageeridda midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay tahay arrin lama taabtaan ah.
Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo guddoomay farriinta uga timid dhiggiisa Masar ayaa uga mahadceliyay doorka taageerada ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya heerarkeeda kala duwan.
Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo xiriirka Muqdisho iyo Qaahir oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo dhex-maray labada dowladood.
Waxaa sidoo kale, heshiiskaas qayb ka ahaa ciidamo ay Masar usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya.
Si kastaba, kor u qaadida iskaashiga labada dal ayaa ku yimid, wada-hadallo toos ah oo ay yeeshen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar,, kuwaas oo xiriirkooda sii xoojiyay intii ay taagnayd xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo haatan xal rasmi ah laga gaaray.

