Madaxweyne XASAN oo maanta qaaday tallaabo si weyn loo bogaadiyay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farxadda munaasabadda Ciidul-fidriga la qaatay qaar kamid ah caruurta halyeeyadii ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ciidamada qalabka sida, ee naftooda u huray difaaca dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoran yihiin Baal dahabi ah.

“Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka shuhadada sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta, isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.

Tallaabadan ayaa madaxweynaha si weyn loogu bogaadiyay, maadaama uu kaalintii aabe-nimo u buuxiyay caruurtii ay ka geeriyoodeen geesiyaasheennii difaaca dalka u shahiiday.

“Waa tallaabo aanan garaneeyn wax aan wanaaggeeda ku tilmaamo. Maanta waxaad muujisay inaad tahay hoggaamiye,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Yare oo kamid ah siyaasiyiinta bogaadiyay tallaabada uu maanta qaaday madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Mudane madaxweyne hal kalmad baan anigu ku oranayaa taas oo ah “Mahadsanid madaxweyne.”