Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray GEERIDA C/llaahi Maxamed Shirwac

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii uu kulahaa nabadaynta dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid samafale, Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa tacsi loogu diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa ururadda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in marxuumku ahaa halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, waqtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa iyo dalkiisa.

AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay Zoobe.