Xasan oo war kasoo saaray geerida madaxweynaha dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Namibia uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalkaasi Dr. Hage G. Geingob.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa waxa uu Geingob ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, islamarkaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

“Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Namibia ayaa ku dhintay da’da 82-sanno, sida uu sheegay xafiiskiisa, kadib wax ka yar saddex toddobaad markii la shaaciyay in laga daaweyn doono Kansarka.

Geingob waxa uu ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek, isaga oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay garab taagan yihiin, sida uu ku-simaha madaxweynaha Nangolo Mbumba uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ee Geingob.

“Qaranka Namibia waxa uu lumiyay adeege caan, halgamaa xorriyada, madaxii qaabeeyay dastuurkeena iyo tiirkii Namibia,” ayuu yiri Mbumba.