Madaxweyne Xasan oo xil u magacaabay CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa xil u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa siyaasigan oo in muddo ah mucaarad soo ahaa u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu si mutadawacnimo ah uu qaban doono shaqadaan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Wuxuu sidoo kale Eebe uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa horey u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.