Madaxweyne XASAN oo sameeyay ballan qaad la xiriira doorashada 2026

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-Shabaab, kadibna ay hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, sanadka 2026-ka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in mar kale aan dib loogu laaban doonin teendhada Afisyooni doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka lagu qabtay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha ay haatan bilaabayaan, si looga mara dhaliyo go’aankiisa ku aadan doorashada 2026.

“2026 aniga waxaa iga go’an inaan hoolka ku noqonin si aan aniga ugu noqon dadkii igu dooran lahaa waa in aanay u noqon jufo hebeleey wakiiladiina keena waa in aan ku noqon, waan ku tala jirnaa doorasho qof iyo cod ah oo qorshe cad ayaa dowladdaan uga degan, markaan daqiiqadda ugu dambeysa marka sanad ama lex bil ka dhiman tahay ma billaabeynee ee maanta ayaa billaabeynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale madaxweynaha oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray wajigiisa koowaad, isla-markaana wajigiisa labaad haatan laga bilaabayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayuu tilmaamay inay muhiim u yihiin isku socodka magaalooyinka, maadaama haatan go’doon laga qaaday Jowhar iyo Muqei

“Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho” ayuu yiri sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.