Hoobiye ku dhacay Janaale oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Janaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madfac ay tuureen ciidamada ATMIS oo ku dhacay beer ku taalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ku  dhacay dad shacab ah oo Moos ku rarayay gaari yiilay beerta dhexdeeda oo qiyaastii afar KM u jirta deegaanka weyn ee Janaale.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dhacdadaasi, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo kamid ah dadkii rarayay Mooska, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale shanta qof ee dhaawacmay ayaa waxa ku jirta gabar ganacsato ah oo lahayd rarka Mooska laga qaadayay beerta.

Gudoomiyaha maamulka deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay falkaasi, wuxuuna sheegay in madfac laga dhex tuuray xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika (ATMIS).

Sidoo kale waxa uu intaasi ku dareen inay ciidamada ATMIS qirteen dhacdadaasi, balse ay ku doodeen in loo sheegay in beerta ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas oo sababay dhimashada & dhaawac.

“Waa ka wadahadalnay, inay iyagu tureen ayay sheegeen, waana la wada maqlayay oo jugta dhacaysay sagaal saac iyo bar habeenimo ayay ahayd, Jannaale oo dhan waa laga maqlay, inay tuureena iyagaa sheegay, macnaha way qirteen nimanka aan hadda isla joogno ee ATMIS, waxay dhaheen xog waxa naloo soo gudbiyay in meesha cadow ku sugan yahay, saas darteed baan weerarka u sameynay, koley marka baaritaan baa socda, wixii ka soo baxana dib baan ka soo sheegi doonaa.” ayuu yiri gudoomiye Al-Cadaala.

Janaanle ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado madaafiic oo ay is weydaarsadaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaankaas oo hoostaga Shabeelaha Hoose.