Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka Gaalkacyo oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gebi ahaanba diiday inay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in bar-kontaroolkaas ay ku xaniban yihiin gaadiidka kala duwan ee xamuulka, waxaana durtaba bilaabatay waan-waan la xiriirta arrintaan.

Ciidankan gadoodsan iyo saraakiisha horkacaysa ayaa waxaa hadda lagu qancinayaan in ay jidka furaan, islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Hase yeeshe, saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa dhankooda sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, kuna adkeystay inaysan furi doonin wadada illaa ay ka helayaan xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.