26.3 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Midowga Yurub oo dalab ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, balse uusan garab gaar ah ka raacsaneyn muranka taagan.

“Dhinac gaar ah dhinac kale kama doorbidno. Waxa aan dhiirrigelineyno waa wada-hadal,” ayay Di Mauro ku tiri wareysi ay siisay warbaahinta Dawan Media.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana looga baahan yahay dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan natiijooyin muuqda oo lagu sii wadi karo geeddi-socodka doorashooyinka.

Waxay sheegtay in wadahadallo u dhexeeyay dowladda federaalka, siyaasiyiin mucaarad ah iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay billowdeen ka hor inta aysan iyadu imaan Soomaaliya bishii September ee sanadkii hore.

Sida ay sheegtay, doorka Midowga Yurub wuxuu ahaa in uu sii wado xiriirka dhammaan dhinacyada, kuna dhiirrigeliyo inay khilaafka ku wajahaan wada-hadal siyaasadeed.

“Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan mar kale caddeeyo inaan runtii rajeyneyno in wada-hadalku si degdeg ah dib ugu bilowdo, si loo helo waddo loo maro doorashooyinka Soomaaliya,” ayay tiri Di Mauro.

Hadalkeeda ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli wajaheyso muran siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada, muddada xilka hay’adaha federaalka, isbeddellada dastuurka iyo doorka ay mucaaradka iyo dowlad-goboleedyadu ku yeelanayaan geeddi-socodka siyaasadeed.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo nidaamka doorashooyinka dadban ee muddada dheer lagu soo doortay madaxda dalka.

Mucaaradka ayaa dhankooda ku doodaya in aan la geli karin hannaan doorasho oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso inay keligeed maamusho geeddi-socodka siyaasadda.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii mucaaradku sheegeen in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku egtahay 15-kii May 2026, halka madaxweynuhu sheegay in dastuurka wax laga beddelay uu muddo xileedka dowladda federaalka ka dhigayo shan sano, kuna eg 15-ka May 2027.

Murankaas ayaa qeyb ka noqday doodda ballaaran ee ka taagan wax ka beddelka dastuurka, hannaanka xisbiyada siyaasadda iyo qaabka ay Soomaaliya uga gudbi karto nidaamka doorashooyinka dadban.

Midowga Yurub ayaa muddooyinkii dambe ku celcelinayay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo nabdoon, loo dhan yahay, laguna gaaro heshiis ay dhinacyada muhiimka ah wada aqbalaan.

Di Mauro ayaa sheegtay in Brussels aysan dooneyn inay beddel u noqoto go’aanka Soomaalida, balse ay dhiirrigelineyso in hoggaamiyeyaasha dalka ay iyagu xal siyaasadeed ka gaaraan arrimaha muranka dhaliyay.

Baaqa Midowga Yurub ayaa imanaya iyadoo beesha caalamka ay walaac ka muujineyso in khilaafka doorashooyinka uu sii dheeraado, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dalka.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore wajahday xiisado siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyin dib u dhacay, muddo kororsi iyo heshiis la’aan ka dhex dhalatay dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada.

- Advertisement -

Read more

Local News