Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Banaadir, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa soo saaray digniin siyaasadeed oo si weyn looga falceliyey, xilli ay sii xoogeysanayaan hadal-haynta ku saabsan loollanka hoggaanka Galmudug.
Saadaq Joon ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.
“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu qoray Saadaq Joon.
Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka Saadaq Joon, isaga oo sheegay in nabadda Dhuusamareeb aysan ku xirneyn awoodda Qoorqoor, balse ay ku tiirsan tahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Brig Gen Sadak Omar waxaan leeyahay: Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay Duq Xasan ayaa lahaa. Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garab yihiin,” ayuu qoray Xildhibaan Cagaweyne.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.
Saadaq Joon ayaa isku beel Saleebaan la ah Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo Liibaan Shuluq ay labaduba kasoo jeedaan beesha Sacad. Arrintan ayaa sii xoojisay fasiraadda ah in qoraalka Saadaq iyo jawaabta Cagaweyne aysan kaliya ahayn hadallo siyaasadeed, balse ay sidoo kale ka tarjumayaan xasaasiyadda beelaha iyo loollanka awoodda ee Galmudug.
Saadaq Joon ayaa dhowaan booqday magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Qoorqoor, oo isna dhawaan sheegay inay jiraan dad uu ku eedeeyey inay dhibaato ku yihiin siyaasadda maamulkiisa.
Qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan Muqdisho.
Xiisaddan hadalka ah ayaa muujineysa in siyaasadda Galmudug ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Villa Somalia, maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin miisaan leh ay isku eegayaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaas.
Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore noqotay xarun ay ka dhacaan shirar siyaasadeed, heshiisyo federaal iyo khilaafyo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Qoraalka Saadaq Joon iyo jawaabta Cagaweyne ayaa hadda sii huriyey doodda ku saabsan cidda dhab ahaan gacanta ku haysa miisaanka siyaasadeed ee Galmudug, iyo halka ay ku dambeyn karto xiisadda ka dhex muuqata siyaasiyiinta ku loollamaya saameynta Dhuusamareeb.

