Madaxweyne Xasan Sheekh oo ‘ceebeyn’ ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Musharax madaxweyne oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona ku sifeeyay “shaqsi beenlow ah”.

Madaxweynihii hore ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Farmaajo uu been badan yahay oo aysan dhab ka ahayn inuu ku daydo howlaha uu u qabtay bulshada Soomaaliyeed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxarisitee Aadan Cabdulle Cismaan.

Waxa uu ka dhawaajiyey in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Farmaajo uu kal hore ololihii 2016-kii kusoo galay ballan-qaadyo been abuur ah oo uu sameeyay, kuwaasi oo ilaa xiligan uusan fulin.

“Raad kuma lahan, shaqo kuma lahan, ceebeyn waaye inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde aan ku daysanaa hal tallaabo oo raadkiisa ah oo uu Farmaajo qaaday majiro,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynihii hore (Aadan Cabdulle) waxa uu ahaa muwaadin xushmad leh, karaamo leh oo ku deysi leh, balse inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde ayaa ku daysanaa ceeb ayey ku tahay Aadan Cadde.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasada aysan aheyn been ama qiiq isku qarin, isagoo dhaliilaya hogaaminta Farmaajo, oo uu ku sifeeyay shaqsi beenlow ah oo aan marnaba fulin ballan-qaadyadiisa.

“Siyaasadu been ma ahan, Qiiq isku qarin maaha, Nin raba in uu Aadan Cadde magaciisa kaarka ku xoqdo, Aadan Cadde madaxweyne la yaqaan waaye oo taariiqdiisu qoran tahay, in dadka Soomaaliyeed waagii loo sheegi jirey beenta waa soo dhamaatay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday in bulshada Soomaaliyeed uusan ku qancin karin hadal, xili ay taagan yihiin arrimo badan oo u baahan in si sax ah looga hadlo.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imanaya xili ay si weyn u baaheen muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanayey Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda ka hor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay “inuu gumeysi kalkaal ahaa.”

Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde.