“Ogaada dadkiina Muqdisho waa joogaan” – Beel ka mid ah Hawiye oo digniin culus u dirtay Puntland (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan rag kamid ah 8 qof oo maamulka Puntland uu ku xukumay dil toogasho ah.

Odayaasha beesha oo kal hore baaq kasoo saaray dhalinyaradaas oo muddo u xirnaa maamulka Puntland oo aan xiligaas maxkamad lasoo saarin, ayaa xiligan lagu daray ragga xukunka dilka ah lagu fulinayo.

Odayaasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, islamarkaana ay ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen.

Xariga iyo xukunka ku dhacay qaar kamid ah raga 8-deeda ah ee Puntland ku xukuntay dilka ayey sheegen inay tahay shirqool aan loo meel dayin.

“Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay waraabinta.

Sidoo kale waxay sheegen inaysan u dulqaadan doonin in maamulka Puntland uu gumaado dhalintooda, ayaga oo ku hanjabay haddii dib looga laaban waayo xukunkaas uu ka shalayn doono maamulka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa ka cabaneyna wiilal yar-yar oo masaakiin ah oo dhexdiina ka shaqeysanayey ayaa inta la aruuriyo oo la jirdilo la saaro maxkamad oo la dhaho waa Shabaab, waa arrin ceeb ku ah Soomaalinimada. Arrintaas waxay dhali doonta arrin dhibaato ah oo aan dadkiina iyo maamulkiina idin anficin.”

Si kastaba, Arbacadii ayey aheyd markii ay Maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hoos ka daawo muuqaalka