Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka Ciyaaraha Fiinaalka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya xulalka Argentina & France oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar.

Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqanayo waddankaan yar ee Qatar, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa safarkan kii ka horreeyay wuxuu ku tegay magaalada Washington, halkaas oo uu uga qayb-galay shirka iskaashiga Mareykanka iyo Afrika, isaga oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka.