Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo ka hadlayay Munaasabada maalinta Macalinka ayuu soo hadal qaaday madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh arinta xagjirnimada iyo dhibaatada ay leedahay.
Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu sheegay in dhalin yarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda mayalka adag inay u nugul yihiin burcad badeednimada iyo sidoo kal argagixinimada oo uu ku sheegay inay yihiin falal guracan.
Talada ugu haboon ee lagula dagaalami karo arinta xahjirnimada ayuu madaxweynuhu wuxuu sheegay in kaliya ay tahay in wax barasho wanaagsan ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Fikirka xagjirka ah waxaa lagula dagaali karaa, iyadoo waxbarasho tayeysan la siiyo caruurta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh .
Isagoo ka hadlayay ahmiyada macalinku uu leeyahay ayuutilmaamay in Macalinku uu yahay kan dhalinta ku haggi kara nolosha saxda, ah, si ay hadhow dadka ugu haggaan wadada horumarka.
“21-ka November ayaa waddanka laga xusaa maalinta Macalinka oo taariikh weyn ku leh Soomaaliya. Maanta dalku wuxuu galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida macalinka iyo waxbarashada ay uga adkaaneyso collaadaha iyo rabshadaha. Macalaimiintana waxey door muhiim ah ka soo qaateen sidii dalku uga dhici lahaa isbedel dhanka nabadda ah oo laga soo kabanayo collaadihii.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho