Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey wariyeyaasha ayaa markale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashooyinka iyo arrimaha ciidamada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay marar badan ku cel-celiyeen digniinta ku aadan in aan la siyaasadeyn ciidamada, balse la arkay wixii dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay iska diidaan wax-kasta oo ka hor imaanaya Dastuurka.

”Aniga dhowr jeer waan ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada, waana aragteen wixii dhacay, waxaana ku mahadsan Ciidamadii diiday in loo adeegsado wax aan Dastuurka ogoleyn, waxaana ugu baaqayaa Ciidamada inay iska diidaan waxkasta oo ka hor imaanaya Dastuurka,” madaxweyne horee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay muhiim tahay in wax weliba lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, isla-markaana laga wada-tashado aayaha dalka iyo bad-baadadiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Muqdisho ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo ka horyimid muddo kordhinta labada sano ah ee loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.