Sawirro: Ciidamada diidan muddo kororsiga oo xalay degay xaafado cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno waqooyiga magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in ciidamada Militeriga ah ee diidan mudo korarsiga Madaxweyne Farmaajo ay xalay isku ballaariyeen xaafado cusub.

Ciidamada ayaa xalay gaaray Isgoyska Fagax, xaafada Juungal, Siisi iyo xaafadaha ka agdhow ee degmada Yaaqshiid, waxeyna halkaas ka sameysteen dhufeysyo ciidan. Ciidamadan ayaa sidoo kale waddooyinka qaar ku gooyey ciid.

Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ee xalay laga dareemay degmooyinka waqooyi ee caasimadda Muqdisho waxay ku soo aadayaan, xilli uu isbadal weyn ku yimid xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qaar kamid saraakiisha hogaaminaysa ciidamadaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ay sii joogayaan Muqdisho ilaa inta uu Madaxweyne Farmaajo ka laabanayo mudo kororsiga.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ku qanci karaan oo ay xal u arkaan in madaxweyne Farmaajo uu hoggaanka doorashada iyo arrimaha amniga ku wareejiyo xukuumadda Rooble.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ciidamadaan faray in ay dib ugu laabtaan furumaha dagaalka ee gobalka Shabeellada Dhexe oo markii hore ay ka soo baxeen, balse taas waa ka biya diideen, waxayna si cad u sheegeen in hadafkoodu uu yahay kaliya inay dalka ka badbaadiyaan mudo kororsi.

Xaaladii cakirneyd ee dalka ayaa mar qura qabowday, kadib markii maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ay si cad uga soo horjeesteen mudo kororsigii uu sameystay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay madaxda dowladda federaalka u soo jeediyeen inay dib ugu laabtaan wadahadallo hor-seeda hir-gelinta heshiiskii 17-kii September.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa mowqofka labadaas maamul si deg deg ah u taageeray, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey oo talllaabo loo baahnaa ku tilmaamay madaxda dowlad goboleedyada kale, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo dhamaan madaxda mucaaradka ah.