Xildhibaan MAHAD Salaad: Ujeedka FARMAAJO wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa ka fal-celiyey khudbadii uu xalay jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo kusoo koobay illaa 5 qodob.

Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uusan khudbaddiisa kusoo hadal qaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka Farmaajo uu ahaa ii dheh siyaasadeed oo uu waqti ku iibsanayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay heegan ku sii jiraan, inta laga hubinayo in dalku aaday doorashooyin madax banaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:

  1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.
  2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.
  3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.
  4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.
  5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo cadaadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

Hon. Mahad Salad