R/W Rooble oo farriin u diray ciidamada iyo shacabkii ka barakacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal kooban ayaa markale kaga hadlay xaaladda adag ee magaalada Muqdisho, isaga oo farrin culus u diray shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Rooble ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay guryahooda inay dib ugu soo laabtaan caasimada, maadaama xiisadii taagneyd xal laga gaaray.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu amray ciidamada ammaanka inay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiis sii wata ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay xukuumaddiisa in la helo nabad iyo xasilooni buuxda, si dalkan ay uga dhacdo doorasho wadar ogol ah

“Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay degan tahay xaaladda magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ra’iisul wasaaraha uu shaaciyey in la aado doorashooyin xor iyo xalaala, si dalka loo bad-baadiyo, loogana hortego in la-galo qalalaase iyo fowdo horleh.