IMAAM Maxamed oo war ka soo saaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Maxamed Yuusuf, oo sheegta inuu yahay Imaamka Mudulood, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda waqtigoodu dhamaaday iyo mucaaridka.

Imaamka ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoona ku baaqay in nabada la xoojiyo, ayada oo laga baaqsanayo in dalka uu galo dagaal hor leh.

Waxa uu ku taliyey in la fuliyo heshiiskii 17-kii September, si dalka loo samata-bixiyo, wuxuuna soo dhaweeyay go’aankii madaxweynayaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo ka horyimid muddo kororsigii uu meel-mariyey Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray xaalada dalka, islamarkiina uu soo dhaweeyay isbedelka cusub ee ku yimid xaalada dalka, kaasi oo la filayo inuu u jiheeyo doorasho wadar ogol ah.

“Madaxweyneyaashii iyo Ra’iisal wasaareyaashii hore si nabad ah ayey xilka ku wareejin jireen Madaxweynahaana kama caqli yara kamana cilmi yara waxa umadu rabtana waa yaqaanaa ee maalinta Sabtida marka uu Baarlamaanka hor tago waxsan oo umadaan anfaca afkiisa Allaha ka keeno,” ayuu yiri.

“Ilaahay afkiisa waxa uu ka keenay madaxweynaha inuu hortagayo baarlamaanka, waxaan leenahay ilaahay waxsan afkiisa ha ka keeno oo doorashadaas ay waafaqaan, baarlamaanka uu ayido, oo talada Soomaaliyana ay sidaas ku toosto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka ku baaqay in gacan laga geysto dib usoo celinta dadkii ku barakacay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho, “Waxaan ku talinayaa dadkii xamar ka qaxay ee masaakiinta ahaa, waxaa umadda wax haysta ugu baaqayaa in dib-u-dajin loo sameeyo oo lasoo celiyo, waqtiga soon-qaadka ajar ayey leeyihiin, wey ka baxeen guryihii ijaarka ahaa ee ay ku jireen.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu xalay saqdii dhexe shaaciyey inuu ka qeyb qaadanayo in dalka uu aado doorasho, ayada oo la raacayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana uu go’aanka arrintaas kula laaban doono Golaha Shacabka.