Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta faray hay’adaha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.
Madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay xilli uu kormeer ku tegay xarunta gurmadka degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo uu ugu kuur-galay hawlaha gurmadka degdegga ah, isla markaana uu faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.
Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeennada hay’adda, kuwaas oo soo bandhigay deegaannada ugu daran ee abaartu saameysay, barakaca, nabaad-guurka deegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Howl-wadeennada hay’adda ayaa tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isu beddesho macluul.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta.
Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’adaha dowladda inay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka tabaalaysan.
Si kastaba, amarka cusub ee maanta kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muhiimad weyn u leh marxaladda taagan, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee shacabka tabaalaysan.














