27.9 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

DF oo ku adkeysaneysa arrin fashil u horseedi karta wada-hadallada mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa adkeeyay mowqifka dowladda ee ku aaddan dhammaystirka wax ka beddelka dastuurka ku-meelgaarka ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in aan la sii wadi karin ku dhaqanka sharciyo uu ku sifeeyay “kuwo waqtigoodu dhammaaday,” isagoo si adag u difaacay qorshaha dowladda ku dooneyso dhameystirka wax ka beddelka dastuurka.

Xamza ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu si toos ah u sheegay in xukuumaddu aysan aqbali doonin in dalka lagu sii maamulo xeerar hore oo aan waafaqsanayn duruufaha iyo baahiyaha jira, isagoo xusay in loo baahan yahay in isbeddel dhab ah la sameeyo.

“Dastuurka waa in la dhammeystiro, xukuumaduna waxay diiday in la iska fadhiyo. Dalka wuxuu u baahan yahay in uu hore u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka ayaa maalmahan sababay muran iyo qalalaase ka dhex abuurmay Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan mucaaradka ay carqaladeeyeen fadhiyo lagu doonayay in lagu bilaabo dib-u-eegista qodobo ka mid ah dastuurka, taas oo keentay isku dhacyo dhex maray iyaga iyo ciidammada ammaanka.

Arrinta dastuurka ayaa weli ah qodob siyaasadeed oo muran badan ka taagan yahay, waxaana la rumeysan yahay in hirgelinta wax ka beddelka ay ku xirnaan doonto xal laga gaaro ismaandhaafka u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada mucaaradka.

Hadalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha hadda talada haya, isla markaana ay mucaaradka meel adag iska taageen muddo kororsi sharci darro ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa sii fogeyn kara xal lagu gaaro shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaasi oo la filayo in todobaadka soo aadan uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa looga hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News