Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay mudahaaradka ay bilaabeen xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.
Fiqi ayaa marka hore duray hab-dhaqanka cusub ee siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuuna tilmaamay in uu ka muuqdo qiimo dhac wayn, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.
“Kooxdii madasha calaacalka ee hal abuurku ka idlaaday waxay marayaan qiimo dhac siyaasadeed kii ugu hooseeyey abid oo qof siyaasad sheegtaa uu gaaray!” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xusay in mucaaradka markii ay fashilmeen ay bilaabeen in ay kasoo dhex mudaaharadaan guryahooda, iyaga oo wata boorar aflagaado ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Aroosyada iyo Munaasabadaha xushmad mudan ee looga yeero ayaan ogeyn in ay ku dhex matagaan, gogol dadka kale dhigtay oo lagu maamuusay ay ka dhex calaacalaan, hadda waxa ay marayaan markii ay u waayeen taageerayaal ku raacsan afkaartooda gurracan ee shisheeyuhu hoosta ka soo riixayo in ay boorar aflagaado ku qoran tahay ay daabacaan oo ay guryaha ay deggan yihiin ku dhex mudaaharaadaan” ayuu sii raaciyay Wasiirku.
Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Waxa la fashilin doonaa isku day kasta oo ay kooxahaasi isugu dayaan in ay ku marin habaabiyaan shacabkeena isla markaana ay ku qalqal-geliyaan Amniga iyo dawladnimada”.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, isaga oo yiri “Dadka Soomaaliyeed waa ku mahadsan yihiin in ay arkeen kuwaas mar horena ka leexdeen, intooda badan waa niman xilalkii ay qabteen ku soo fashilmay, oo aan rajo badan ka qabin in ay talada dalka qabtaan, waa saaxiibada Xamiidati, Cayduruus Alzubaydi iyo kuwo kale oo dalalkooda in ay burburiyaan loo hawlgeliyey”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo todobaadkii hore siyaasiyiinta mucaaradka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho ayaa mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabtay xarunta xisbiga Himilo Qaran. Mas’uuliyiinta ayaa watay istiikaro ay ku yaallaan sawirrada Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhalinyarada xisbiga Himilo Qaran, kuwaas oo dhammaantood u xiran dowladda.

