Abu Dhabi (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u dirtay nidaamka difaaca cirka ee loo yaqaano Iron Dome iyo ciidamo qaabilsan hagidda nidaamkaas xilliyadii hore ee uu bilowday dagaalka lala galay Iiraan, sida ay xaqiijiyeen laba sarkaal oo Israa’iili ah iyo hal sarkaal oo Mareykan ah oo la hadlay warbahainta Axios.
Iskaashiga dhinacyada milateriga, amniga iyo sirdoonka ee u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa gaaray heerar cusub intii lagu jiray dagaalka. Tallaabadan aan horay loo arag ee la xiriirta in nidaamka Iron Dome la daabulo xilliga dagaalka ayaa ah mid aan markii hore la shaacin.
Tan iyo markii uu dagaalku qarxay, Imaaraadka ayaa ahaa dalka aadka ay u beegsanaysay xukuumadda Iiraan marka loo eego waddamada kale ee gobolka. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka, Iiraan ayaa dalkaas ku soo riday in ka badan 550 gantaallada nooca ballistic-ga iyo kuwa riddada dheer (cruise missiles), iyo in ka badan 2,200 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka.
In kasta oo inta badan gantaalladaas iyo diyaaradahaas hawada lagu burburiyay, haddana qaar ka mid ah ayaa ku guuleystay inay ku dhacaan bartilmaameedyo milateri iyo kuwo rayid ah oo ku yaalla gudaha dalkaas.
Weeraradan baaxadda leh ee uu Imaaraadku la kulmay ayaa ku riixay dalkaas inuu gacan-siin weydiisto xulafadiisa. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku amray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay xirmo ka mid ah gantaallada ka hortagga ah ee Iron Dome iyo tobanaan askari oo isku-dubarida u diraan Imaaraadka, kaddib wada-hadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Saayid, sida ay xuseen saraakiisha Israa’iil.
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Israa’iil ay nidaamka Iron Dome u dirto waddan kale, iyadoo Imaaraadku uu noqday dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Mareykanka iyo Israa’iil ee nidaamkan laga isticmaalo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah. Nidaamkan ayaa ka hortagay oo burburiyay tobanaan gantaal oo ay Iiraan soo riday, sida uu xaqiijiyay sarkaal kale.
Labada dal ayaa si dhow isugu dubaridayay arrimaha milateriga iyo kuwa siyaasadda tan iyo markii uu dagaalku billowday. Sidoo kale, Ciidamada Cirka ee Israa’iil ayaa fuliyay duqeymo is-xigxiga oo ay ku burburinayeen gantaallada riddada gaaban ee la soo dhoobay koonfurta Iiraan, kahor inta aan loo adeegsan in lagu weeraro Imaaraadka iyo dalalka kale ee Gacanka.
Daabulidda ciidamo Israa’iili ah oo ka hawlgala gudaha Imaaraadka ayaa noqon karta arrin xasaasiyad siyaasadeed ka dhalisa gobolka Khaliijka. Balse, saraakiil Imaaraati ah ayaa sheegay in dagaalka Iiraan uu beddelay aragtidii iyo fikirki dad badan oo ku nool Imaaraadka.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa tilmaamay in cid kasta oo gacan ka geysaneysa difaaca dalka loona arko inay ka hortagayso weerarada Iiraan loo soo dhoweyn doono si wanaagsan. Dhanka kale, go’aanka Netanyahu uu nidaamka difaaca cirka kula wadaagay Imaaraadka xilli Israa’iil qudheedu ay wajaheysay weeraro culus ayaa suurtagal ah inuu dhaliyo caro iyo falcelin xooggan oo ka dhalata gudaha dalkiisa.
Israa’iil iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed sanadkii 2020-kii. In kasta oo ay jireen kala-aragti-duwanaansho ku aaddan arrimo ay ka mid tahay xaaladda Gaza tan iyo xilligaas, saraakiisha labada dhinac ayaa aaminsan in iskaashigoodu uu haatan marayo heerkii ugu dhowaa ee ebid soo mara.
Daariq Al-Oteyba, oo horay sarkaal uga ahaa golaha amniga qaranka ee Imaaraadka, ayaa maqaal uu u qoray Machadka Dalalka Gacanka Carabta (AGSI) ku sheegay in Israa’iil ay ka mid ahayd dalalka u istaagay inay gargaar dhab ah siiyaan Imaaraadka.
Wuxuu qoray: “Ugu horreyn, Mareykanka iyo Israa’iil waxay caddeeyeen inay yihiin xulufo dhab ah, iyagoo ina siiyay taageero iyadoo loo marayo gargaar milateri oo ballaaran, is-dhaafsiga sirdoonka iyo garab istaag diblomaasiyadeed.”
“Marnaba ma illaawi doonno,” ayuu yiri sarkaal sare oo Imaaraati ah oo ka hadlayay caawimaadda Israa’iil iyo Netanyahu ay u fidiyeen xilli xasaasi ah. Sarkaal labaad ayaa xusay in arrintani ay sidoo kale dhab ka tahay waddamadii kale ee u istaagay ka qeyb galka difaaca Imaaraadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Australia.
“Wuxuu ahaa xilli indhaha inoo furay. Si aan u ogaanno ciddii ah saaxiibadeenna dhabta ah,” ayuu kusoo xiray sarkaalka Imaaraatiga ah.

