Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadkeeda, sida ay hadalka u dhigtay.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaa sheegay in hubkaas qorshuhu ahaa in lagu kiciyo colaado beeleedyada ka jirta gobollada dhaca galbeedka Somaliland , gaar ahaan Awdal iyo Salal.
Sidoo kale wuxuu intaas ku dartay in ujeedada ugu wayn ay tahay in xumeeyo nabad-gelyada Somaliland, la’iskana horkeeno dadka shacabka h, si loo huriyo colaada beelaha ee ka taagan halkaas.
Cabdalle Sandheere ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay Somaliland wajahayso faragelin dibadeed oo la xiriirta aqoonsiga ay Israa’iil ka heshay, isaga oo sheegay inuu sababtay inay cadow badan yeelato.
Wasiirka ayaa tilmaamay in faragelintaasi ay qaabab kala duwan u dhacday, oo ay ka mid yihiin taageero dhaqaale, dacaayado iyo hub la soo gelinayo gudaha Somaliland.
Ugu dambeyn wuxuu carrabka ku dhuftay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan caddeymo la xiriira arrimahan, isla markaana waqtiga ku habboon ay shacabka u soo bandhigi doonaan noocyada hubka iyo waddamada laga keenay.
Somaliland ayaa xilligan wajaheysa marxalado xasaasi ah oo ay ugu horreyso qaddiyada aqoonsiga, iyo tallaabooyinkii xigay ee ay qaaday Israa’iil oo dhawaan safiir cusub usoo magacowday Hargeysa, kaas oo ay diiday dowladda Soomaaliya.
Si kastaba, Michael Lotem ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u qaabilsan Somaliland, iyadoo soo jeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar ay aqbaleen Golaha Wasiirada xukuumadda Tel Aviv oo shalay ansixiyay.

