Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, maadaama ay u yimaadeen ka qayb-galka caleema saarkii Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadli doono xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Waxaa sidoo kale, qorshuhu yahay in odayaasha ay madaxweynaha la wadaagaan farriintooda ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, maadaama dhawaan mucaaradka ay dalbadeen in la dhex-dhexaadiyo iyaga iyo Xasan.
Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in siyaasiyiintu ay heshiin waayeen, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in ay soo kala dhexgalaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Madaxweynihii oee dalka.
Intaas kadib waxaana isna hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ku sugnaa, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo hadalkaas, isaga oo ugu baaqay dhaqanka inay doorkooda qaataan.
“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu isna yiri Xasan.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

