Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa billowday qiimayn ku saabsan xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira Soomaaliya, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha gargaarka bani’aadamnimo uu maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA, Maxamuud Macallin, kaas oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay qiimayntan lagu sameynayo xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku duwidda howlaha gargaarka bani’aadannimo, horumarinta hannaanka kheyraadka (maalgelinta), iyo kor u qaadista wacyiga caalamiga ah ee mudnaanta Soomaaliya.
Labada dhinac waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in taageerada beesha caalamka la waafajiyo nidaamyada dowladda iyo hadafka soo kabashada muddada dheer.
Wafdigan ayaa dalka joogi doono ilaa 1-da May, wuxuuna booqan doona goobo dhowr ah oo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay si gaar ah uga jirto xaalad bani’aadamnimo oo adag.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo iskaashiga, lana hubiyo in gargaarka bini’aadanimo loo gaarsiiyo si hufan meelihii loogu tali galay si loo taageero xasilloonida, adkeysiga, iyo horumarka Soomaaliya.
Si kastaba, qiimayntan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo xaalado is-biirsaday oo ay sababeen abaar daba-dheer iyo daadad ka dhashay roobabka Gu’ga ee ka da’aya qaybo kamid ah Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kumannaan qof.
Wararka ayaa sheegaya in dad badan ay la ildaran yihiin cunno yari, biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo xaaladahan ay sii xumeeyeen barakaca iyo nuglaanta bulshada ku nool deegaannada ay dhibaatadu saameysay.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad degdeg ah, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in ay kordhiyaan taageerada si loo badbaadiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka is-daba jooga ah.












