Madaxweyne XASAN oo u safray dalka Eritrea + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Eritrea kadib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrinta ugu weyn ee madaxweynaha u baxay ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, taasi oo uu kala hadli doono madaxweyne Afwerki.

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidankaas ay arrimo dhaqaale u xayiran yihiin, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono. 

Warbaahinta Eritrea qaarkeed ayaa qortay in Xasan Sheekh uu munaasabadda maalinta ciidda la qaadan doono askartaas oo muddo dalkooda ka maqan.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa dhowaan sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka Eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.