Sawirro: Madaxweynaha oo la kulmay USA iyo EU iyo DF oo qorsheeneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamadaan maanta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa diirada lagu saaray, qorshaha siyaasaddeed ee dowladda, waxqabadkii sannadkan iyo arrimo  kale oo muhiim ah.

Kulamadaan kadib ayaa Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Egn. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, waxa uu la hadlay Warbaahinta Qaranka, isagoo sheegay in Madaxweynaha kulanka hore uu la qaatay James McNulty Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyey in Madaxweyna uu ergayga faah faahin ka siiyey howlihii dowladda u qabsoomay mudadii la soo dhaafay iyo arrima kale.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in laga wada hadlay sidii uu taabbagali lahaa shir looga hadli doonno ka hortagidda Xagjirnimada, kaasi oo lagu martiqaadi doono Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Dhinaca kale Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James McNulty waxa uu ballan qaaday in uu dardargelin doono taageerada Maraykanka ee Soomaaliya,.

“Waxaa jiri doono shir looga hadlayo arrimaha xagjirnimada oo lagu marti qaadi doono culumaa’udiin, iyadoo safiirku uu balan qaaday in dowladda Maraykanka ay gacan ka geysan doonto fulinta shirka, waxaa kaloo ay ka wada hadleen booqashada Madaxweynaha Soomaaliya la filayo in dalka Maraykanka uu tego bisha September” ayuu hadalkiisa ku daray Eng, Yariisoow.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu mar kale Muqdisho ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone, islamarkaana ay ka wada hadleen shirka bisha soo socota ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Dowladda Soomaaliya oo sannad jirsaneysa 10-ka bisha soo socota ayaa horey ugu guuleysatay sidii ay taageero dhab ah uga heli lahayd adduunka, si Soomaaliya dib u dhiskeeda dhinacyada kala duwan loogu guuleysto, waxaana dowladda ay dadaal badan ku bixineysaa sidii shirarka calaamiga ah ee  looga arrinsanayo taageerada tooska ah ee Soomaaliya uga soo bixi lahaayeen natiijooyinkii loo baahnaa.

Sawirrada Kullanka

madax 1madax 2madax 3madax 4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.om