Madaxweynihii laga guuleystay oo baaq uga tagay Siyaasiyiinta & Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan dalka iyo dibadiisa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyan Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xasan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta looga baahan yahay inay u sabraan Dowlada haddii ay wax saxdo iyo haddii ay qalad yar geysato waxa uuna ku baaqay wada shaqeyn joogta ah.

”Dowlada kaligeeda ma shaqeyn karto waxaa loo baahan yahay in si dhow loola shaqeeyo Madaxweynaha iyo Dowladiisa maadaama dalka uu ku jiro xaalad koriin ah”

”Siyaasiyiinta waa inay la shaqeeyan Dowlada waayo Somalia waxa ay u baahan tahay in howl waliba lagu qabto si wada jir ah waxaan ku baaqayaa inaan la faarujin garabka dowlada”

Waxa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lana garab istaago Dowladda Federaalka si buu yiri meesha looga saaro itaal darida heysata dowlada.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeedii maanta oo jimco ah.

Geesta kale, waxaa Madaxweynihii hore sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kaaliyeyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo bilooyin ah, isagoo dalka dib ugu soo laaban doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com