Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cadde Muuse Xersi, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa si adag kaga hadlay dagaaladii hishiiska hordhaca ah laga gaaray ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Cadde Muuse, ayaa wuxuu sheegay in nasiib daro ay aheyd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo ku noolaa magaalada Gaalkacyo.
Waxaa haatan wax lagu farxo uu ku tilmaamay hishiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay iney haboon tahay in hishiiska magaalada Gaalkacyo muhiim tahay in loo madax banaaneeyo waxgaradka yo odayaasha dhaqanka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in 20 bishaan ay ku shiraan magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah maamulka Jubbaland , waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay in gogosha Nabadda laga qaado Gaalkacyo ,islamarkaana loo raro Kismaayo.
Dhinaca kale Waxaa uu sidoo kale sheegay in labada Madaxweyne looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan xabad joojinta , islamarkaana ay kala qaadaan ciidanka.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

