Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Brussels ay kulan ku qaatan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub.
Kulanka Wasiirada ayaa waxaa kamid ah qodobada lagu soo hadal qaadi doono Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.
Kulanka Wasiirada ayaa saameyn xoogan ku yeelan doona Trump, oo isaga laga hayo hadalo aan munaasib ku aheyn diblumaasiyada kaasi oo lagu weeraraayay dowlada Yurubiyan ah iyo Qaxootiga ku dhaqan dalka Mareykanka.
Midowga Yurub, ayaa dhaliilsan guusha Madaxweyne Trump waxa ayna cabsi lixaad leh ka muujiyeen in qalqal amni uu ka dhaco dalka Mareykanka waa haddii ay sii socdaan dibadbaxyada.
Trump waxa uu feker khaldan ka bixiyay habka ay u shaqeeyaan NATO iyo Midowga Yurub, waxa uuna arrin fashil ah ku sheegay hanaanka ay ku shaqeeyan.
Dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub ayaa Madaxweyne Trump u arka dhibaato ku soo wajahan xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka Wasiirada Midowga Yurub, waxaase loo badinayaa in kulankood laga soo saari doono go’aan lidi ku ah Dowlada Mareykanka.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

