28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Odayaasha Puntland oo Kismaayo diiday soona jeediyay sharuudo adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee qeybta ka ah wadahadalka maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kasoo horjeestay in nabadeynta magaalada Gaalkacyo lagu dhameeyaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha dhaqanka ee qeybta ka ah gudiga nab adeynta ayaa sheegay ineysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Galmudug, balse muhiim tahay in odayaasha Mudug kasoo jeeda dhameeyaan xiisada magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in 20-ka bishaan shirka nabadeynta Mudug uu ka dhacaa magaalada Kismaayo.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo ku hadlayay afka guddigan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la aado Kismaayo, isagoo taasi ku tilmaamay riwaayad aan shaqeyn doonin, maadaama halka dhibaatadu taalo ay tahay Gaalkacyo laguna wada hadli karro.

Sidoo kale waxaa in Kismaayo la tago kasoo horjeestay madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi.

Hoos ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News