Madoobe: “DFS Waxaad moodaa dalka in aysan ka tallin kaddib wixii dhacay”

Baydhabo (Caasimada Online) – Isagoo ka qeybgalaayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee ka baxa BBC-da ayuu madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed wuxuu weerar ku qaaday dowladda Soomaaliya isagoona sheegay in aaney awood u lahayn arrimaha ka socda dalka oo ay ka mid yihiin maamulada la dhisaayo.

Wuxuu sheegay in muddo bil iyo ber uu ku sugnaa Muqdisho isagoona u yimid siddii xal loogu heli lahaa khilaafaadka ka dhexjiray labada maamul, balse wuxuu yiri waxaa dhacday arrin aan fiicneen markii dowladda ay aqoonsatay garab ka mid ah maamulka.

Wuxuu sheegay oo kale dowladda Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn in dalka ay ka hirgalaan nidaamka fedaraalka awoodna aaney u lahayn in ay maamulo dhisto.

“DF Somalia haddii maamulada la dhisaayo aaney la socon waxay muujineysaa in aan awood badan u lahayn dalka” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Wuxuu sheegay intii Muqdisho joogay in uu arkay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo shaqadiisa ahayd maamul u sameenta gobalada dalka aan lala socodsiin waxa la wado, wuxuu kaloo sheegay in arrinta maamulka seddaxda gobal ay horboodayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda oo aan shaqadoda.

Dhinaca kale, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay intii uu joogay magaalada Muqdisho in loo hanjabay oo lagu dhahay haddii aadan ka tanaasulin maamulka lixda gobal waxbaad isku arki doontaan.

Waxaa la weydiiyay oo kale in heshiiska ay gaareen labada maamul uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenkiisa marka sidda uu ku qaadici karo, wuxuu sheegay in Maxammuud Sayid uu u sheegay ka hor inta aan la qaban xafladda heshiiska uuna u sheegay sidda ay wax u dhaceen iyo in uu goobjoog ka yahay uun.

Si kastaba, waxaa soo badanaya dhaliilaha loo jeedinaayo dowladda ee ku aadan aqoonsiga ay siiyay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com