“DF iyadoo danteeda fiirineysa ayey la heshiisay Axmed Madoobe” waa yiri..

Baydhabo (Caasimada Online) Siyaasiga Madoobe Nuunow Maxamed oo hadda ka mid ah dadka ugu cad-cad ee u ololeenaya dhismaha maamul gobaleedka Koonfur-Galbeed oo loo dhisaayo lix gobal oo ku yaalla Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madoobe Nuunow, oo sannadkii hore isku soo taagay xilka guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena soo qabtay xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo mudane baarlamaan ayaa sheegay in dowladda iyadoo eegeysa danaheeda ay heshiis la gashay shakhsi aan u dhalan ama aan ka soo jeedin gobalada Jubbooyinka iyo Gedo sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo la hadlaayay Madoobe Nuunow, Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale cadeeyay in dowladda ay abuuraneyso dhibaato iyo mucaaradad xooggan, taasoo uu yiri khatar weyn ayey ku tahay.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in ay taageerto go’aanka dadka ku dhaqan lixda gobal ee doonaya in ay dhistaan maamul gobaleedka Koonfur-Galbeed.

Wuxuu ku tilmaamay xadgudub heshiiska dowladda ay la gashay maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeen wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan dhismaha maamul gobaleedka Koonfur Galbeed.

Maamulkan oo loo dhisaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo,Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana looga soo horjeedaa maamulka kumeel gaarka ee Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho