Magaalada KISMAAYO oo baahi weyn u qabta isbedalka ka dhacay dalka + Video

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay wajahday culeyskii ugu xooganaa ee ka dhashay dagaalkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe.

Kismaayo ayaa haatan waxaa u baryey waa cusub, kadib dib doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisii la aas aasay Jubbaland, gaar ahaan sanadkii 2013-kii.

Shacabka Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa haatan baahi weyn u qaba isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, maadaama uu saameyn xoogan ku yeeshay hardankii siyaasadeed ee u dhexeeyey dowladdii Maxamed Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah shacabka Kismaayo oo ka hadlay isbedalka dhacay ayaa sheegay inay ka rajeynayaan Madaxweynaha mar 2-aad la doortay inuu wax ka qabo xaalka Jubbaland.

‘Nidaamkan isbedelka ee lagu doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud shantii sano dhibaatooyinkii Jubbaland ay wajaheysay in uu ka tiro ayaan horta rajadeena ugu weyn ay tahay,” ayuu yiri mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale gabar kale oo ka mid ah dhalinyarada Kismaayo ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub inuu Jubbaland ka qaado cunaqabateynta la saaray, una soo gurmado.

“Xasan Sheekh Maxamuud waxaan leenahay annaga oo reer Jubbaland ah guuleyso garabkaaga nahay waxaan kaa codsaneynaa inaad noo hagar baxdo colaaddii iyo cunaqabateyntii na saarneyd inaad naga dul-qaado” ayey tiri gabar reer Kismaayo ah.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda maamulka ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo ay ku wajahayaan gobolka Gedo, si xal looga gaaray wixii dhacay.

“Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay maamul goboleedka Jubbaland sharci ahaan heshiis ay wada saxiixeen saddexda gobol ayuu kagag mid noqday maamul goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirku.

Saleebaan Maxamed ayaa sidoo kale xusay inay gobolka ka sameyn doonaan dib u heshiisiin, kadibna ay dhisi doonaan maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka.

“Dowladd cusub ee dhalatay iyo Jubbaland waxay sameyn doonaan dhammaan gogol wada-hadal ah oo dib u heshiisiin ah, taas oo maamullada degmooyinka iyo gobollada la dhisi doono sidaasna lagu sameyn doono maamul,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Jubbaland ayaa dagaal siyaasadeed oo culus la gashay Madaxweynaha xilka kasii dagaya oo ciidamo fara badan geeyey gobolka Gedo, taas oo sii hurisay xiisadda labada dhinac.