Magalada Muqdisho oo ay ka socdaan kulamo looga hadlayo Shirka Ethiopia iyo DF Somalia oo Khamaar ciyaareysa

Muqdisho (Caasomada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa tan iyo xaley markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda iyo mid ka mid ah garabyada isku haya Kismaayo oo Axmed Madoobe ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo ka mid ah kuwii la isku hayey,waxaa billowday kulamo ay lee yihiin beelaha kele ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sida ay in oo sheegeen xubno ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulamadii xaley, waxaa inta badan looga hadlay haddii dowladda Soomaaliya ay aqoonsato maamulka Axmed Madoobe, in ay joojin doonaan xiriirka kala dhexeeyo dowladda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in xildhibaannada iyo wasiiradda ay ku lee yihiin dowladda fedaraalka ay kala soo bixi doonaan isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan dagaal ka dhan dowladda.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha ka maqan shirka Addis Ababa ayaa wax nasiib daro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay heshiis la gasho koox maleeshiyaad oo xoog ku qabsaday magaalada Kismaayo isla markaana halkaas xasuuq ka geestay sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale wasiiradda iyo xildhibaannada ka soo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ayaa xaley lagu arkayay xarunta Villa Somalia, waxaana ay sheegeen ay gabi ahaan ka soo horjeedaan qoddobada ka soo baxay shirkii Addis Ababa.

Dowladda ilaa hadda kama hadlin heshiiska la sheegay in uu ku dhexmaray iyada iyo maamulka Axmed Madoobe, balse waxaa hubanti ah in dowladda oo horrey u dhaliilsaneed maamulka Axmed Madoobe in ay hadda aqoonsatay.

Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in dowladda ay ciyaareyso labo daran mid dooro,  Taasoo ah in ay la heshiiso maamulka Axmed Madoobe si halkaas uu ugu guul dareesto madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo dhawaan mar uu Axmed Maxamed Islaam booqasho uu ku tagay Garoowe loo sheegay in la siinayo 300 oo ciidamo ah.

Si kastaba, magaalada Kismaayo waxaa maalintii afaraad ka socota qaybinta markab gargaar oo laga lee yahay Turkiga kaasoo ka yimid Muqdisho.

Puntland horrey ayey u diidday in markabkaas gargaarka uu ku soo xirto dekedda Boosaaso waxaana ay ku tilmaamtay mid looga gun leeyahay jahwareer siyaasadeed sida ay hadalka u dhigeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com